Maleeshiyaatka ridada ee Danab ee Puntland kuwaasi oo fadhigoodu yahay magaalada Garoowe ayaa sheegay in maamulka ridada ee Puntland ay ka jarteen mushaarkii ay qaadan jireen.
Bayaan ay soo saareen maleeshiyaatkaan ayey ku sheegeen in muddo seddex bilood ah aysan qaadan wax mushaaraad ah, islamarkaana ay u sii dheer tahay hanjabaad uga imaanaysa maamulka ridada ee Siciid Deni.
Maleeshiyaatkaan oo hoggaamiye murtad Gerenal Jimcaale ayaa waxay fariisimo ku leeyihiin duleedka magaalada Garoowe, iyadoona maleeshiyaatkaan lagu xasuusto inay dagaallo la galeen Siciid Deni xilligii doorashadiisa.
Ciidankaan ayaa la sheegay inay amarada ka qaataan mucaaradka Siciid Deni, sidaasna looga jartay mushaaraadkii lasiin jiray.
Maamulka ridada ee Puntland ayaa dhawaan mushaarkii ka jartay maleeshiyaat maamulkooda ka tirsanaa kuwaasi oo ku sugan magaalada Laascaanood kadib markii maleeshiyaatkaasi ay ku biireen maamulka ridada ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Laascaanood