Maleeshiyaadka RSF ee daacada u ah dowlada ridada Imaaraatka Carabta ayaa fuliyay weerar cirka ah oo ka dhacay goboka Waqooyiga Kurdufan, kaasi oo ay ku dileen 13 qof oo ay ku jiraan 8 caruur ah, kuna dhaawacaeen 7 kale.
Weerarkan ayaa si gaar uga dhacay magaalada Al-Abyad ee caasimada gobolka Waqooyiga Kurdufan ee bartamaha Suudaan, isagoo lagu beegsadey guri ku yaalla bartamaha magaaladaas.
Magaaladan ayaa leh muhiimad istiraatiijadeed, maadaama uu ku yaallo garoon diyaaradeed, taasoo sii kordhisay dadaalka RSF ay ku doonayso qalqal gelinta iyo xakameynta magaalada.
Kadib la wareegida maleeshiyaadka RSF ee inta badan gobollada Daarfuur, waxay hadda u muuqdaan kuwa doonaya in colaadda ay garsiiyaan dhulal hor leh, kuwaas oo qaarkood haatan ku jira go’doon iyo xaallado amni daro.
Colaadda ka holceysa dalka Suudaan ee u dhexeysa militeriga Suudaan iyo RSF ayaa kasii dareysa, taas oo ay ku nafwaayeen dadyoy badan, islamarkaana ay ku barakaceen ku dhawaad 13 Milyan.
Marka laga soo tago weerarrada, waxaa intaa dheer gaajo iyo cudurro halis oo dalkaas si xowli ah ugu faafaya, waxaana marba marka ka danbeysa laga dayrinayaa xaallada dalkaas.