Maleeshiyaadka Riddada oo Muqdisho ku Jir-dilay Maamo Xaamilo ah Lacago Baad ah Awgeed.

Oct 11, 2025

Waxaa marba marka ka dambaysay sii laba-laxaadsanaya dhibaatada joogtada ah ee maleeshiyaadka Kooxda Riddada Soomaaliya ay ku hayaan shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshadda ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

Askar ka tirsan maleeshiyaadka Sirdoonka Riddada ee loo yaqaan NISA ayaa saacadihii lasoo dhaafay si arxan-darro ah u jir-dilay hooyo xaamilo ah oo meherad yar oo ganacsi ku haysatay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sida laga dheehan karo CCTV Camera, maleeshiyaadka Riddada ayaa la arkayaa iyagoo maamadaasi weeraraya, isla markaana qaarkood ay gacanta ula tageen, halka kuwa kalena ay qoryaha ku qabteen. Waxaanay maamadu xaqiijisay in xattaa cawradeedii bannaanka la dhigay oo laga siibay maryihii ay xirnayd.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in Maamadan uurka leh loo dhibaateeyey oo kaliya lacago baad ah oo xaddigeeda lagu sheegay $ 10 Dollar, oo ay u diidday maleeshiyaadkan arxan-laawayaasha ah ee soo weeraray.

Falalkan noocan ah waa kuwo joogto ka noqday magaalada Muqdisho, waxaanay qaybaha kala duwan ee maleeshiyaadka Gurguurte uu haatan shaqo-maalmeedkoodu isugu biyo-shubtay boobka iyo barakicinta shacabka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed.