Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ridada ah ee Danab ay xasuuq daran ka geystay deegaan katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku dileen dad Shacab ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in maleeshiyaadka Danab ay dileen 4 ruux oo Shacab ah, kadib markii weerar habeen dheelmad ah ay ka fuliyeen deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha hoose.
Ma aha markii ugu horreysay ee maleeshiyaadka Danab ay falal sidan oo kale ah ka geystaan gobolka. Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Islaamiga ah ayaa sheegay in ay si joogto ah dhibaato iyo weerarro uga soo gaaraan dhanka maleeshiyaadka ridada, isla markaana ay shacabka ku hayaan cadaadis culus.
FAAFREEB PRO