Maleeshiyaadka Murtadiinta oo Kufsi Wadareed ka Gesytay Degmada Cadale.

Aug 26, 2025

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe dhankiisa bari ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dabadhilifyada kooxda Ridada ay halkaas ka geysteen fal argagax oo ka dhan ah dumarka muslimaadka ah.

Degmada Cadale ee bariga Sh/dhexe ayaa lagasoo calaamadeeyay fal kufsi jamaaci ah oo lagula kacay dumar musaafur ahaa, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah maleeshiyaad katirsan Kooxda Riddada ayaa dumarkan oo gaarayay sedax kala degay gaari kadibna waxay kula kaceen kufsi.

Maleeshiyaadka kufsi wadareedka geystay waxaa taliye u ah sarkaal lagu magacaabo Cali Xuubeey, sida lagasoo xigtay dadka deegaanka maleeshiyaadka ayaa dumarka ku garaacay qoriga baadkiisa waxaana lasoo weriyay in iyadoo xaaladooda caafimaad ay aad uliidato loola cararay Isbitaallada Muqdisho.

Xiisad udhaxaysa dadka degmada Cadale iyo maleeshiyaadka murtadiinta ayaa laga dareemayaa degmada Cadale, dumarka lakufsaday ayaa ka amba baxay degmada Masaajid Caliguduud.

Maleeshiyaadka murtadiinta ayaa caan ku ah falal dambiyeedyada nuucaan ah waxayna marwalba deegaannada ay maamulaan ku dhibaateeyaan dumarka muslimaadka ah.