Maleeshiyaadka Gurguurte oo 14 Qof oo Shacab ah ku Diley Shabeellaha Hoose.

Dec 10, 2025

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya xasuuq daran oo maleeshiyaadka kooxda Ridada Somaliya ka geysteen deggaanka hoos-taga degmada Afgooye.

Maleeshiyaad ka tirsan kuwa loogu yeero Alpha Group oo ka baxay magaalada Muqdisho ayay xogtu tibaaxaysaa in habeennimadii xalay ay xasuuq daran ka geysteen deggaanka Jambaluul.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 14 qof oo shacab ah, 25 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen xasuuqqaasi ay geysteen maleeshiyaadka Alpha Group.

Maleeshiyaadka Ridada ayaa kordhiyay xasuuqa iyo tacadiyadda ay ka geysanayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose oo marar badan ay sidan oo kale shacab ugu xasuuqeen.