Maleeshiyaadka Cirro oo Kordhiyay Ugaarsiga Cidda ka Hor Timaadda Damaca Yahuudda.

Dec 28, 2025

Maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland ayaa xarig, caburin iyo caga-jugleyn xooggan ku haya dadka ku dhaqan deggaannadaasi ee ganafka ku dhuftay damaca Yahuudda iyo ictiraafka ay siisay maamulkaasi.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya dad hor leh oo maleeshiyaadka Riddada maamulka Cirro ay xabsiyada ku gureen saacadihii lasoo dhaafay.

Dr Mubaarik Aar oo guddoomiye ka ah mid ka mida jaamacadaha Hargeysa, ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu si adag uga hor-yimid qorshayaasha dhagaraysan ee Sahaayinada.

Dr Aar oo ka mid ah aqoonyahannada aadka looga tix-geliyo magaalada Hargeysa, ayaa sida la sheegay lagu xiray kalmad uu ka yiri damaca gurracan ee maamulka Yahuudda, taas oo qaybo ka mid ah ay ku baxday barnaamijkeennii xalay ee Faafreeb.

Sheekh Maxamed Kaariye oo ka mid ahaa dad habeen hore xabsiga loo taxaabay ayaa laga soo wariyey in markii maleeshiyaadka riddadu ay saldhigga kusii wadeen uu yiri “Sharaf bay ii tahay in la ii xiro, waxa aad ka soo horjeedaa Netanyaahuu.”

Geesta kale, waxaa jira qaar ka mida culamaa’u-suuga magaalada Hargeysa oo si weyn usoo dhaweeyey aqoonsiga maamulka Yahuuddu uu siiyey maamulka Riddada Somaliland.

Cawil Faatax ayaa ka tirsan wadaad-xumeyaasha aadka ugu riyaaqsan damaca Yahuudda, isagoo tallaabadaasina ku tilmaamay mid bannaan oo aan ka hor-imanayn diinta Islaamka.

Waxa kale oo wadaad-ku-sheegyada aadka ugu faraxsan dhagaraha Yahuudda ka mida Xuseen Cumar Gahayr oo soo jeediyey in reer Somaliland ay guursadaan gabdhaha Yahuudda.

Weli waxaa socda dabbaal-degyo ay dabada ka riixayso xukuumadda Cirro, laguna soo dhawaynayo ictiraafka Yahuudda ee maamulkaasi.

Duqa magaalada Hargeysa murtadka lagu magacaabo C/Kariim Axmed Mooge ayaa afkiisa ka qiray majarahabaabinta ay ku ahyaan shacabka magaalada.

Isku soo wada duuboo, maamulka Cirro waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan yahay siduu shacabka deggaannadaasi uga dhaadhicin lahaa damaca Yahuudda. Waxaana si xawliya u socda farriimo dhagaraysan oo ay gudbinayaan wadaad-xumayaasha iyo siyaasiyiinta Riddada Somaliland.