Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo Lagu Eedeeyay Falal Amni Daro oo ay ka Geysteen Mandheera.

Sep 2, 2025

Wararka ka imaanaya degmada Mandheera ee ku hoos jirta gumaysiga dawlada Saliibiyada ee Kenya, ayaa ku warramaya in maleeshiyaadka Ridada Jubbaland lagu eedeeyay falal amni daro oo ay ka wadaan degmadaasi.

Maleeshiaadka murtad Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falal dil iyo dhaawac ah, sida uu xaqiijiyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada Jubbaland ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca 12 qof oo rayid ah.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan maleeshiyaadka halkaasi ku sugan ee kasoo cararay degmada Baled Xaawo, ka dib dagaaladii ay halkaasi kula galeen kooxda Ridada Soomaaliya.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xilli murtad Axmed Madoobe uu raadinayo inuu heshiis uu la galo murtad Gurguurte, halka dhinaca kalena maleeshiyaadkiisu ay weli falal amni daro ka wadaan gudaha dalka.

FAAFREEB PRO