Maleeshiyaad Ridada oo Dilal iyo Kufsi ka Geystay Degmada Raaga Ceelle ee Gobolka Sh/dhexe.

Dec 3, 2025

Deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha dhexe waxaa lagasoo sheegayaa gabood fallo xooggan oo ay maleeshiyaadka Murtadiintu ugeysanayaan dadka shacabka ah.

Wararka ka imaanaya degmada Raagaceelle ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan kooxda Riddada ay halkaas ka geysteen kufsi iyo dilal ka dhan ah dadka rayidka ah.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah maleeshiyaadka ayaa dilay wiil dhalinyara ah oo kamid ahaa xoogsatada degmada Raagaceelle.

Dilkan waxaa ka horreeyay dilal kale oo maleeshiyaadku ay sidaan oo kale kula kaceen qof shacab ah, odayaasha iyo waxgaradka Raaga Ceelle ayaa warbaahinta usheegay in falalka tacadiyada ah ee ka dhanka ah shacabka ay xarkaha goosteen.

Maleeshiyaadkan oo uu taliye u yahay sarkaal lagu magacaabo Cali Maxamed Kuusoow ayaa lagu eedeynayaa in ay kufsi iyo dilal ka geysanayaan Raaga Ceelle waxaana sii dheer dhaca ay ku hayaan goobaha ganacsiga.

Waxgaradka degmada Raaga Ceelle ayaa madaxda Riddada ugu baaqay in ay maleeshiyaadkan ka saaraan degmadooda haddii kale ay hubka qaadan doonaan.

Maleeshiyaadka Murtadiinta ee dabadhilifyada u ah shisheeyaha ayaa caan ku ah in deegaannada ay maamulaan ka geystaan dilal,dhac iyo kufsi ka dhan ah dumarka soomaaliyeed.