Maleeshiyaad Murtadiin ah oo Isku Laayay Is-rasaaseen ka Dhacday Muqdisho.

Nov 4, 2025

Wararka ka imaanaya deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay askari ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta uu ku dilay askar kale.

Askariga murtadka ah ee laayay askarta kale ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa maleesgiyada Gorgor ee ay tababartay dowladda Riddada Turkiga.

Ilaa 2 askari oo ka tirsan maleeshiyada loogu yeero Nisa ayuu goobta ku toogtay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah iyaga oo in muddo ah rassaas is-waydaarsanayay.

Murtadka wax toogtay ayaa isaganae goobta lagu dhaawacay, waxaana la sheegay in marka hore uu halkaasi u yimid si uu hiilo ugu noqdo qof shacab ah oo ay xurguf kala dhaxaysay labada kale ee la toogtay.

Dhacdadaan ayaa qeyb ka ah dilal ay si maalinle ah isugu geystaan maleeshiyada murtadiinta dhaxdooda, kuwaas oo markasta u kala safta qaab qabiil kadibna is toogta.

Daroogada, aanooyinka qaabilka, laaluushka iyo wixii lamid ah oo dillooday dabadhilifyadaan ayaa keentay in ay sida mooryaanta isku dilaan, maleeshiyada kooxda Riddada Soomaaliya ayaana mararka qaar ka dhaqan liita askarta kale ee saliibiyiinta ah ee dalka duullaanka ku joogta.