Magaalada Goma ee Dalka Congo oo Laga soo Sheegayo Xaalado Daran.

Feb 3, 2025

Magaalada Goma ee dalka Congo ayaa laga soo sheegayaa xaalado nololeed oo aad u liita kadib xiisado colaadeed oo halkaas ka taagan waayahan dambe.

Sida uu daabacay joornaalka New York Times waxaa biyo yari iyo cunto la’aan laga soo sheegaya gudaha Goma oo ah magaaladii ay dhawaan la wareegeen kooxda M23 ee ay taageerto dowladda Rwanda, kuwaas oo mudooyinkaanba loolan xoogan kula jira ciidanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Tan iyo markii kooxda M23 ay gacantooda ku dhacday magaaladan oo ay ku noolyihiin ilaa 2 milyan oo ruux lehna kheyraad fara badan, ayaa lagu waramayaa in shacab fara badan ay barakeceen halka kuwa kalana ay wadooyinka ku wajahayaan nolol liidata xilli dhanka kale ay ka baqanayaan leyn uga timaada dhanka kooxda ay taageerto Rwanda.

Waxaa dhanka kale lagu waramayaa in goobaha caafimaad ay buux dhaafiyeen dhaawacyada iyo meydadka shacabkii ku dhaqnaa magaalada Goma, kuwaas oo tacadiyaad kala duwan kala kulmay kooxda M23 ciidankii Congo ee difaaci lahaana waa kuwa la jebiyey oo kol hore ka firxaday gudaha magaaladan muhiimka ah.

Gunaanudkii Fallaagada oo horey gacanta ugu haysay dhul ballaaran oo ka tirsan Congo qanina ku ah macdanta, ayaa hada la sheegayaa iney qorsheynayaan in ay socod ku tagaan caasimadda Kinshasa, oo qiyaastii 1,600 KM dhanka galbeed ka xigta magaaladan Goma, si guud ahaan ay markaas gacanta ugu dhigaan wadanka oo idil.

FAAFREEB PRO