Madaxweynaha Rwanda ayaa loolan cusub la galaya reer galbeedka xilli in muddo ah uu si nabdoon ku fahdiyey kursiga wadankiisa.
Sida ay nashrisay saxiifada The Street Journal madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa maanta ku dhawaaqay inuu dalkiisa uu ka saarayo dhamaan diblomaasiyiinta dalka Belgium xiriirkana uu u jaray.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta Belgium inay dalka kaga baxaan muddo 48 saacadood gudahood, Intaa ka dib Belgium ayaa iyana soo saaray warsaxaafadeed loogu sheegay diblomaasiyiinta Rwanda inay yihiin kuwa aan laga dooneyn Belgium iyaguna ay ka bixi karaan wadanka.
Paul Kagame ayaa ku eedeeyay Belgium inay kor u qaadayso cunaqabataynta caalamiga ah ee dalkiisa oo ka dhan ah colaadda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo lagu eedeynayo Rwanda inay taageerrayso fallaagada M23 ee ka dagaallanta DR Congo.
Waxa uuna yiri “ Belgium, waa gumeystihii hore ee Ruwanda, waxay taariikh u leedahay inay burburiso dalkeena, waxayna qabsatay qayb weyn oo ka mid ah dhulka Rwanda waxayna siisay Congo xilligii gumeysiga, taasoo ka dhigtay Rwanda hadda inay u muuqato mid ka yar Belgium.”
Loolanka reer yurub iyo Rwanda ayaa hadda u muuqda inuu bilowday kadib in muddo ah oo ay xukuumada Kigali ka madax banaaneyd xiisahada kala duwan ee ka dhax holcaya reer galbeedka.
FAAFREEB PRO