Madaxweynaha Jabuuti oo Waraysi Kaga Hadlay Damaca Abiy iyo Xiisadda ka Dhex Taagan Labada Dal.

Jun 13, 2025

Waraysi gaar ah oo uu siiyay jariiradda Jeune Afrique ee ku hadasha afka faransiiska ayuu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku iftiimiyay damacyada hoose ee Itoobiya ka leedahay Jabuuti iyo qorshayaal qarsoon oo halis gelin kara dalkaas.

Murtad Geelle wuxuu shaaciyay in Itoobiya ay dhawaan u dirtay Jabuuti wafdi culus oo siday codsi ay ku dalbanayso deked iyo saldhig ciidan badeed oo ay si buuxda u maamusho, gaar ahaan magaalada Tadjourah, wuxuu sheegay in Jabuuti si rasmi ah u diidday codsigaas, isaga oo xusay inaysan ogolaan karin in dal kale si gaar ah u xukumo marin-badeed ama uu ku yeesho saameyn xad dhaaf ah.

“Waxaa nala soo gaarsiiyay codsi layaab leh kaasoo ah in Itoobiya la siiyo marin ay si buuxda u maamusho, iyo fasax ay saldhig ciidan kaga dhisato Tadjourah, tani ma ahayn wax aan aqbali karn, waxaana Itoobiya u sheegnay in Jabuuti aysan ahayn Crimea,” ayuu yiri murtad Geelle.

Hadalkan wuxuu farta ku fiiqayaa in Itoobiya ay darbiyada madaxa ku garaacayso, iyada oo ku hanweyn iney si kasta oo suurtagal ah badda ku gaarto, xitaa haddii ay halis geliso wadan kale.

Dhanka kale dhinacyadaan markii hore heshiiska ahaa ayaa hadda u muuqda kuwa kala fogaanaya maadaama Abey damiciisa ugu weyn uu yahay sidii marin badeed ay u heli lahayd xukuumadiisa, meesha kaliya ee uu hadda isha ku haayo ayaana noqotay Soomaaliya maadaama Eretariya uusan u dhawaan karin.

FAAFREEB PRO