Madaxweynaha Eretriya oo si Adag Weerar Afka ah ugu Qaadey Maamullada Washington iyo Addis Ababa.

May 25, 2025

Madaxweynaha Eretriya Gaal Isaias Afwerki ayaa khudbad uu shalay jeediyay si adag ugu duray siyaasadda gudaha iyo dibadda ee R/Wasaare Abiy Axmed iyo weliba maamulka Washington ee gar-wadeenka uu ka yahay Donald Trum.

Afawerki waxa uu sheegay in masiirka Maraykanku uu haatan mugdi sii gelaayo isla markaana ay muuqato in uu sii lumaayo mustaqbalka meeqaamkiisii hore.

“Awoodda milateri ee Mareykanka, inkastoo lagu muujiyo diyaarado waaweyn, markabyo dagaal iyo hub nukliyeer ah, haddana sida xaqiiqdu tahay ma dhaafsiisna qiyaaso aad u xaddidan.” Ayuu yiri m/weynaha Eretriya.

Sidoo kale Afawerki isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “Dhaqaalaha ku tiirsan ribada, suuqyo aan furaneyn, lacag daabacaad aan xadidneyn, iyo cunaqabatayn lagu bartilmaameedsado siyaasado shisheeye, waxay keeneen burbur dhaqaale oo sii xoogeysanaya.”

Geesta kale Afwerki waxa uu soo hadal-qaaday siyaasadda Abiy Axmed, waxaanu sheegay in maamulka Addis Ababa uu dooratay waddo khatar ah oo ku salaysan kala qoqobka qoomiyadaha, isagoo nidaamka federaalkana ku tilmaamay mid horseedaya burbur iyo colaad joogta ah.

Madaxweynaha Eretriya waxa uu uu tilmaamay in Abiy Axmed uu magaca xisbiga Barwaaqo u adeegsado aalad lagu fuliyo ajandeyaal shisheeye oo halis ku ah guud ahaan gobolka.

Sidoo kale Afawerki waxa uu sheegay in marin-habaabinnada ay Itoobiya adeegsato ay ka mid yihiin Arrinta biyaha ee webiga Niil, firkradda Orommuma ama Oromonism, helitaanka marin-badeed, iyo kicin dagaallo qoomiyadeed oo gobolka ku faafa.

Waxa uu Afawerki ku eedeeyey dawladda Xabashida Itoobiya in ay isku dayayso sidii ay xasilloonida gobolka ugu fushan lahayd dano gaar ah, iyadoo adeegsanaysa hub, tiknoolajiyad iyo dagaal maskaxeed, si shacabka loo marin-habaabiyo.

Eedayntan ayaa kusoo aadaysa xilli uu sii xumaanayo xiriirka labada dal, kaas oo haatan maraaya meel xasaasiya, iyadoo ay jiraan saadaal ah dagaal lama-huraan ah oo labadooda ka dhex-qarxa, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Eretriya ay iskaashi cusub la samaysatay garab ka tirsan TPLF oo uu hoggaaminayo Debretsion Gebremicael oo sida la rumaysan yahay haysta ciidan aad u fara badan.

FAAFREEB PRO