Madaxwaynaha Faraniiska oo Gaaray Jabuuti.

Dec 21, 2024

Madaxwaynaha Faraniiska oo Gaaray Jabuuti iyada oo la filayi in uu Booqdo itoobiya xili xukumada Paris ay diyaarinayso ciidamada saliibiyiinta xabashida ee qabsan lahaa xeebaha Soomaaliya.

Emmanuel Macron madaxwaynaha dowlada saliibiyada ah ee Faraniiska ayaa socdaal ku maraya wadamo katirsan bariga qaarada Afrika, xili diblumaasiyada xukumada Paris ee qaarada uu hoos udhac weyn ku yimid shantii sano ee lasoo dhaafay.

Makroon ayaa maalinkii shalay waxa uu ka dagay wadanka jabuuti halkaas oo kula kulmay ismaacil Cumar Geelle,. dalkaan ayuuna Faraniiska horay usoo gumaystay islamarkaana uu ka jaray Soomaaliya inteeda kale.

Sababta madaxwaynaha Faraniiska uu booqashadiisa ugu bilaabay Jabuuti ayaa la sheegay muhiimada uu wadankaan ugu fadhiyo, waxuuna ku leeyahay saldhig ciidan oo ay ku suganyihiin boqolaal askari.

Wadanka itoobiya ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago Emmanuel Macron marka uu soo gabagabeeyo tan uu Jabuuti ku joogo, Paris ayaana Addis Ababa u aragta xaliif muhiim ah marka la joogo geeska Afrika.

Booqashada dalkaan uu ka tagayo ayaa kuso aadaysa waqti xasaasi ah, maadaama ciidamada dowlada saliibiyada Itoobiya diyaargarowgii ugu dnabeeya ay ugu jiraan sidii ku qabsan lahaayeen xeebaha Soomaaliya kuna gaari lahaayeen Badda Cas.

Faraniiska ayaa ah midka tababarka iyo qalabka siiya ciidanka xabashida ee loo carbiyay in ay ku dullaan xeebaha Badda Cas, dhawaan ayeeyna bilaabeen in ay kasoo guuraan dalkaasi.

Dhanka kale booqashada uu Makroon ku marayo geeska qaarada Afrika ayaa ah mid uu taageero horleh kaga raadsanayo dowladaha gobolka, maadaama xukumada Paris laga soo eryay galbeedka Afrika, galaangalkeedana uu hada kaliya ku ekaaday bartamaha iyo bariga qaarada.