Madaxii hore ee Kooxda Ridada Soomaaliya islamarkaana hada ah mucaarad kasoo horjeeda Kooxda Xasan Gurguurte ayaa eedeyn kulul ujeediyay, iyaga oo qayladhaan ka muujiyay xaalada ay ku suganyihiin.
Murtad Shariif Sheekh Axmad ayaa sheegay in Kooxda Ridada ee hada jirta ay shaqo maalmeed ka dhigatay boobka dadka shacabka ah oo ay awood u sheeganayso.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada mujaahidiintu ay Allaah fadligii qabsadeen dhul ballaran walina ay wadaan furashooyinka halka madaxa ridada murtad Gurguurte uu ku mashquulsanyahay boobka hantidada shacabka.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in sidoo kale maleeshiyaadka Kooxda Ridada Soomaaliya ay kala daateen kadib duullano isdaba joog ah oo uga yimid mujaahidiinta.
Murtad Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo isna hadlayay ayaa sheegay in ay dhibsadeen murtad Gurguurte uu awood u isticmaalayo boobka hantida guud iyo mida gaarka ah.
Tan iyo markii murtad Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay hogaamiyaha ridada sadax sano kahor, ayuu shaqo maalmed ka dhigtay boobka hantidada dadka Soomaaliyeed, magaalada Mogdisho ayaana diiwaangalisay ol’ole xooggan oo burcadnimo ah oo lagu boobay hantidii caamka aheyd iyo tii gaarka loo lahaa.