Madaxa Militariga Suudaan oo ka Badbaaday Isku day dil iyo Imaaraatka oo Falkan Lagu Eedeeyey.

May 23, 2025

Dawladda Suudaan ayaa si rasmi ah golaha ammaanka ee gaalada Qaramada Midoobay ugu gudbisay eedayn culus oo ay ku sheegtay in Imaaraadka Carabta uu ku lug lahaa isku day lagu doonayay in lagu dilo hoggaamiyaha milatariga ee dalkaas Jeneraal Cabdifatax Al Burhaan.

Eedeyntan ayaa timid kaddib weerar culus oo ka dhacay magaalada istaraatiijiga ah ee Port Sudan horraantii bishan May, halkaas oo uu Burhan ku sugnaa xilligaasi.

Sida ku cad warbixinta ay Suudaan u dirtay golaha ammaanka, falkaasi wuxuu qayb ka yahay isku dayo dhowr ah oo la doonayay in lagu qaarijiyo Burhaan, iyada oo tani ay noqonayso markii saddexaad ee uu ka badbaado weerar toos ah oo lagu beegsaday noloshiisa.

Dowladda Suudaan waxay sheegtay in isku dayadan dil ay yihiin kuwo qorsheysan, looguna talagalay in lagu wiiqo hannaanka hoggaamineed ee milatariga dalka, isla markaana lagu furo waddo cusub oo lagu burburinayo xasiloonida gobolka waa sida ay hadalka u dhigtee.

Gunaanudkii warbixinada soo baxaya ayaa sheegaya in golaha ammaanka lagu wado inuu sameeyo baaritaano arinkaan ku aadan, maadaama Suudaan ay dalbatay in la qaado tallaabooyin cad-cad oo caalami ah si tani aan uga hortagno ayey tiri xukuumada militariga uu hogaamiyo ee Khurtuum.

FAAFREEB PRO