Madaxa Kooxda Riddada Soomaaliya oo Wajahaya Cadaadisyo Xooggan, Loogana Yeeray Masar iyo Itoobiya.

Jul 6, 2025

Xasan Gurguurte oo ah madaxa kooxda riddada Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya dalalka Masar iyo Itoobiya, kadib markii heshiisyo is-diiddan oo gabi-dhacleyn ah uu la galay dalalkaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Murtad Gurguurte uu saacadaha soo socda u safri doono dalka Masar, si uu u fuliyo yeermo uga timi madaxweynahada dalka Masar Cabdulfataax Al-Siisi, sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah.

Saxafi u dhashay dalka Masar ayaa baraha bulshada, gaar ahaan barta X, ku sheegay in shir-madaxeed u dhexeeya Kooxda Ridada iyo Masar la filayo in saacadaha soo socda uu ka dhici doono magaalada Al-Calameyn ee ku taalla waqooyiga-galbeed ee dalka Masar.

Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo dhowaan waxa loogu yeero Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu soo saaray go’aan taageeraya sii joogista ciidamada Burundi ee Soomaaliya, isla markaana dib u dhigaaya keenistii ciidamo ka socda dalka Masar.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo xog ogaal ah, C/Fataax As-siisi ayaa la filayaa inuu Xasan Gurguurte kala hadlo sababta ciidamadooda looga hakiyey ka qaybgalka howlgalka AUSSOM iyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa isbahaysigii ka dhanka ahaa Itoobiya, kaas oo bishii October 2024 looga dhawaaqay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha dowladda Saliibiyada Itoobiya, Gaal Abiy Axmed, ayaa isna la sheegay in Murtad Gurguurte uu ku casuumay xafladda furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka dhistay Webiga Nile kaas oo loo asteeyey bisha soo socota ee September.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa rumeysan in haddii Gurguurte uu ka qeyb galo xafladdaasi, ay taasi ka dhigan tahay inuu si toos ah uga hor yimid mowqifka dalalka Masar iyo Suudaan, kuwaas oo si adag uga soo horjeeda mashruucan ay Itoobiya ka fulisay webiga Niil.

FAAFREEB PRO