Madax iyo Saraakiil Ciidan Oo Ka Qayladhaamiyay Weerarkii Masaajid Cali Gaduud

Mar 27, 2025

Weerarkii cagmarinta ahaa ee ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen magaalada Masaajid Cali Gaduud ee dhacda wilaayada Shabeellada-Dhexe ayaa cabsi iyo qoobgariir xoogan ku abuurtay madaxda iyo saraakiisha kooxda Riddada Soomaaliya.

Murtad Xasan Cali Khayre oo soo noqday ra’iisulwasaaraha Riddada ayaa war qoraal ah oo uu bartiisa Facbook kusoo qoray ku sheegay in argagax uu ka qaaday weerarkaasi, isagoo dhanka kale in gacnatooda uu ka baxo deegaankaasi ku tilmaamay wax laga xumaado.

““Waxaa i damqisay in argagaxisadu ay maanta dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud” ayuu yiri murtad Xassan Cali Khayre isagoo xaalada ay ku sugantahay kooxdooda ku sifeeyay mid halis ah.

Dhanka kale murtad Khaliif Idiris Cismaan oo ah Korneyl ka tirsana kooxda Riddada Somalia ayaa ka qeyla dhaamiyay weerarkii mujaahidiintu ay ku qaadeen degmada Masaajid Cali Gaduud.

Maleeshiyaadkii Riddada ee lagu laayay qaarna lagu qabtay weerarkii barakaysnaa ayuu canaan ka dul dhacay isaga oo qiray taagdarrada maleeshiyadooda.

Murtadkan ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka murtadiinta ah in ay soo banneeyaan furimaha dagaalka , kooxda Xasan Sheekh uu hogaamiyana ay tahay mid aan loo dhiman karin.