Waxa loogu yeero Africa Center for Strategic Studies loona soo gaabiyo (ACSS) oo ah xarun cilmi-baariseed oo hoos-tagta wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa daraasad ay soo saartay ku shaacisay in aan la loodin karin Geesiyada Tawxiidka ee bariga Afrika ee mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.
Machadkan oo si gaar ah diiradda u saara fahamka iyo iskaashiga arrimaha amniga ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in mujaahidiinta Al-Shabaab oo ujeedkoodu yahay sidii ay u dhisi lahaayeen dowlad Islaamiya ay laf dhuun gashay ku noqdeen Kuffaarta caalamka ee isku soo bahaystay duullaanka Soomaaliya.
Waxa ay daraasaddu daboolka ka qaadday in awoodda mujaahidiinta Al-Shabaab ay korortay, dhul ballaaranna gacanta ku hayaan, iskuna fidiyeen ilaa waqooyiga Kenya, hawl-galladoodana xoojiyeen, isla markaana ay heleen qalab millateri oo casriya.
Daraasaddu waxa kale oo ay ka dhawajisay in geesiyada tawxiidku ay heleen fursad ay ku ballaariyaan hawl-galladooda ka dhanka ah murtadiinta daba-dhilifyada ah iyo Kuffaarta isu soo bahaystay la-dagaallanka shareecada Islaamka.
Xarunta ASCC waxay hoosta ka xariiqday in awoodda sii kordhaysa ee mujaahidiintu ay halis ku tahay danaha reer-galbeedka oo boob xooggan iyo xaalufin ba’an ku haya khayraadka ceegaaga Badda iyo Berriga ee Allaah ku manaystay ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.
Warbixintu waxay qirtay in geesiyada Tawxiidku ay soo bandhigeen sannadkan lagu gudo jiro ee 2025 awood aad u xooggan, kadib markii ay fuliyeen ayay tiri daraasaddu weerarro ba’an oo ay kula wareegeen dhul fara badan oo horey ay gacanta ku haysay kooxda riddada Soomaliya.
Kooxdan oo gar-wadeen uu ka yahay Xasan Gurguurte ayay warbixintu xustay in ku dhawaad 4,500 oo askari laga dilay hal sano gudihiis oo ahayd 2024-ka, mar ay isku dayeen iyagoo kaashanaya ciidamada shisheeye inay weerarro ku qaadaan mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inkasta oo la sameeyey dedaallo wadajir ah, ayay daraasaddu tiri, hadana Geesiyada Tawxiidka ee Bariga Afrika waxay muujiyeen adkaysi iyo karti ay kaga hor-tageen hir-gelinta danaha isbahaysiga Kuffaarta ee duullaanka saliibiga ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Daraasaddan uu sameeyey machadka Africa Center for Strategic Studies ayaa qaybaheeda dambe lagu iftiimiyey sida ay Gaalladu quusta iyo rajo-beelka uga muujisay duullaanka ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya waxaana gunaanadka warbixintan lagu yiri “Maadaama Al-Shabaab ay si buuxda uga dhex dhisan tahay dhulka ay ka dhasheen ee Soomaaliya, isla markaana awooddooda ciidan ay sii xoogaysanayso, waxa adag in la iska caabbiyo weerarradooda.”
FAAFREEB PRO