Macaluul Soo Wajahday Dadkii Ku Barakacay Dhul-Gariirkii Ku Dhuftay Gobolka Canfarta.

Jan 18, 2025
Dadka ku barakacay dhulgariirkii xooganaa ee maalmo ka hor ku dhuftay gobolka Canfarta ayaa la daalaa dhacaya xaalado nololeed oo aad u liita sida uu ku warntay warbaahinta Itoobiya.

Waxaa la sheegayaa in dadyow fara badan ay hadda ku suganyihiin xaalad guri la’aan ah iyagoona habeenkii halis ugu jira iney dhibaato kala kulmaan xaywaanada kala duwan ee xamaarta.
Waxay sidoo kale boqolaal dad ah wajahayaan cuno iyo biyo la’aan daran iyadoona la saadaalinayo hadii ay xaaladu sidaan kusii socoto in lasoo diiwaangaliyo kiisas fara badan oo dhimasho ah.
Qaar kamid ah shaqsiyaadka maanta wajahaya xaaladahaas ayaa lagu sheegay iney ahaayeen hantiilayaal balse goobohoodii ganacsi iyo baqaaradoodii ay kasoo carareen maantana aysan meel ku sheegin halka ay hantidooda ku dambeyso waa sida ay sheegeene.
Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore laga soo diiwaangaliyey dhulgariiro xoogan oo geystay khasaara lixaad leh, xukuumada Addis Ababa ayaana inta badan ku fashilanta sidii ay u maareyn lahayd dadka ay lasoo daristo musiibada iyo sidii ay u gaarsiin lahayd gurmad kala duwan, halka taa badalkeed Abey uu hurinayo dagaallo xoogan oo lagu hoobtay.