Maamullada Yahuudda iyo Itoobiya oo isla qaatay in wada-jir ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

Mar 13, 2025
Wasiirka Arrimaha dibadda ee maamulka Yahuudda Gideon Sa’ar ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala dagaallamo argagixisada ka dagaallamaysa dhulka ay Yuhuudu xoogga ku heysato iyo weliba qaaradda Afrika mar uu shir jaraa’id la qaatay dhiggiisa Itoobiya Gedion Timotheos.
“Argagixisadu waa khatar la wadaago oo soo wajahday dadkeenna,” ayuu yiri Sa’ar mar uu ka hadlayay xaflad ka dhacday magaallada barakaysan ee Qudus, sida uu shalay baahiyey wargeyska Yahuudda ee The Time Of Israel.
Wasiirkan Yahuudiga ah ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Waxaan goob-joog u nahay argagixisada ka jirta gobolladeenna, sida Qaza, Lubnaan, Yaman, Suuriya, iyo Al-Shabaab oo ka jirta Afrika, waa in la ciribtiro argagixisada.”
Waxaanu si gaar ah u xusay weerarro xooggan oo uu sheegay inay xuutiyiintu ku beegsadaan maraakiibta Yahuudda ee ku gooshaysa biyaha Bariga dhexe isla markaana ay haatan ku hanjabeen ayuu yiri inay gabi ahaanba ka xannibi doonaan Badda Cas.
“Itoobiya waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa la-dagaallanka ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda ee maamulka Sahaayuuniyada, waxaanu shaaciyey booqasho uu dhawaan ku tagi doono Itoobiya.
Gideon Sa’ar ayaa intaa ku daray in booqashada Timotheos ay tahay tii ugu horreysay ee ol’olaha xoojinta xiriirka ay la leeyihiin dalalka Afrika, sida Itoobiya oo uu carabaabay in xiriirkoodu uu dib ugu laabanayo sidii uu ahaan jiray wakhtiyadii hore ee Iskaashiga Yahuudda iyo Saliibka.
Waxaanu Wasiirka arrimaha dibadda ee Sahaayuuniyadu ka dhawaajiyey in bulshadda Yahuudda ay ku jirto jaaliyad asal ahaan ka soo jeedda Itoobiya oo uu sheegay inay qayb muhiim ah ka yihiin bulshada Sahaayuuniyada, si buuxdana ugu dhex-milmeen dhammaan dhinacyada nolosha.
Usbuucyadan u dambeeyey waxaa si isdaba-joog ah ugu noqnoqonaayay xarunta Itoobiya ee Addis Ababa mas’uuliyiin ka socotay Sahayuuniyada, kuwaasoo kulamo ay la qaateen maamulka Abiy Axmed lagu sheegay in lagu xoojinayo iskaashiyo noocyo badan oo laba-geesood ah.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli dar-dar xooggan uu ku socda xusul-duubka dalalka Reer-galbeedka, Yahuudda iyo Itoobiya ugu jiraan inay ku xayuubsadaan qaybo ka mida Badda Somaliya, iyagoo si gaar ah isha ugu haya xeebaha dhaca dhulka uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.