Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Yahuudda, haweenayda lagu magacaabo Sharren Haskel, ayaa shaacisay in maamulkoodu uu xiriir gaar ah la leeyahay kooxda Riddada Soomaaliya, ee hor-joogaha uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Haskel oo hadalkan ka sheegtay waraysi ay siisay telefishanka Yahuudda ee i24NEWS ayaa u calaacashay saaxiibada ay ku leeyihiin Soomaaliya, waxaanay sheegtay in kooxda Riddadu ay wajahayso xaalad amni oo halis ah.
Intii uu waraysigani socday waxay soo bandhigtay werwer xooggan oo Yahuuddu ay ka qabto koboco awoodeed ee Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoo tilmaantay in haddii Soomaaliya la wareegaan mujaahidiintu ay saamayn taban ku yeelan doonto maamulka Yahuudda.
Haweenaydan Ku-xigeenka ka ah Wasaaradda Khaarajiga ee maamulka Sahaayinada, ayaa waxa kale oo ay ka sanqarisay in Soomaaliya oo kaliya xiriirkoodu aanu koobnayn, balse ay sidoo kale xiriir fiican la leeyihiin inta badan dowladaha ka taliya dalalka dhaca qaaradda Afrika.
Hadalkan kasoo yeeray masuulkan xilka sare ka haya maamulka Sahyuuniyada ayaa si rasmiya u muujinaya xiriirka tooska ah ee ay la leeyihiin kooxda Riddada Soomaaliya, kaas oo xiriir dan-wadaag ah uu ku tilmaamay telefishanka Yahuudda ee i24NEWS.