Maamulka Trump oo Qorsheynaya Cunaqabateyn Cusub oo Lagu soo Rogo Ruushka.

Apr 17, 2025

Sida uu nashriyey wargeyka Wall Street Jornal, maamulka Trump ayaa qorsheynaya inay ku dhawaaqaan cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ruushka, si looga jawaabo ayaa la yiri weerarrada sii socdo ee uu Putin ka wado gudaha Ukrain mudooyinkaan dambe, oo ay ugu dambeysay midkii dhacay todobaadkan ee ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.

Jariirada ayaa xogteeda intaasi ku dareysa in talaabooyinka Ruushka uu qaadayo ay bahdil ku tahay Mareykanka iyo dadaalada uu Trump ku bixinayo soo afmeeridada colaada, sidaa darteedna ay kooxda Trump hadda u qorsheynayaan qaadashada go’aan lagu cunaqabateynayo xukuumada Moscow.

Tani waxay noqon doontaa isku day yeesha Laba waji midkood, waa mida Koowaadee in Ruushka uu qaado talaabo qar iska tuurnimo xaalka Labada xukuumadood waa Moscow iyo Washinton ee dhanka wadahadalada dumblumaasiyadeedna ay halkooda ku noqon doonaan, iyo tan Labaad oo ah in maamula Trump uu ku hungoobo arinkana dantana ay ku qasabto iney markale isku dayaan wada hadalo lagu raadinayo xal nabadeed.

FAAFREEB PRO