Dagaalkii dhawaan dhexmaray maamulka gumaystaha Yahuuda iyo dawladda Shiicada ah ee Iran ayaa sababay khasaare baaxad leh oo dhinacyo badan taabanaya, iyadoo markii ugu horreysay ay xukuumada Tallaabiib shaacisay tirakoob rasmi ah oo muujinaya saameynta dagaalkaasi uu ku yeeshay dadkeeda, hantideeda, iyo xasilloonideeda bulsho iyo dhaqaale intaba.
Wasaaradda Caafimaadka Yahuuda ayaa soo saartay warbixin ay ku xustay khasaaraha ay dagaalkaasi kala kulmeen iyadoo sheegtay in ay ku dhinteen 29 qof, kuwaasoo intooda badan lagu dilay duqeymo si toos ah ugu dhacay deegaannada dadku ku badanyahay.
Waxay sidoo kale Wazaaradani diiwaan geliyay inkabada 3,000 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, qaar waa dhaawacyo jireed, halka kuwa kale ay la tacaalayaan dhaawacyo maskaxeed oo aan si sahal ah loo garan karin.
Duqeymihii isdaba joogga ahaa ee Iran ayaa dhulka la simay xaafado dhammaystiran, taasoo keentay in ku dhawaad 11,070 qof ay ku waayaan guryahoodii, taasi oo horseeday barakac baahsan.
Khasaaraha kuma ekaan naf iyo hoy toona, in ka badan 41,000 qof ayaa codsaday magdhow la xiriira burbur hantiyadeed oo ay kala kulmeen weerarka, waxaana muuqata in burburkani uu si weyn u dhaawacay dhaqaalaha maamulkan.
Tirakoobada nafsaaniga ah ayaa muujinaya in dagaalkii Iran uu reebay dhaawac ka gudbay rasaasta iyo gantaallada, ku dhawaad 19,000 qof ayaa la ildaran dhibaatooyin nafsi ah, taasoo muujinaysa in dagaalku noqday mid si aad u saameeyay gumaystaha Yahuuda iyo shacabkiisa.
Warbixinta kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Sahayinada waxay si cad u muujinaysaa in dagaalkii Iran uu dhaawac culus u geystay gudaha maamulkan, inkastoo xukuumadda Binyamin Netanyahu ay horey u sheegtay in nidaamyadooda difaaca cirka ay guul ka gaareen ka hortagga gantaallada, haddana xaqiiqadu waxay tahay in weerarkii Iran uu kashifay nuglaanta dhabta ah ee nidaamka difaaca gumeysiga Sahyuuniga ah.
FAAFREEB PRO