War kasoo baxay maamulka ridada ee Somaaliland ayaa lagu sheegay in safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu faragalin ku hayo maamulka Hargeysa, isagoona qaaday tallaabooyin ka dhan ah maamulka Hargeysa.
Somaliland ayaa sheegtay in safiirka Turkiga uu Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda gobalka Awdal kuwaasi oo doonaya inay ka go’aan maamulka ridada ee Somaaliland, islamarkaana qorshayaal arrintaasi ku aadan ka wada magaalada Muqdisho.
“Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadan faragelin cad oo aan marnaba la aqbali karin. Sidaas awgeed, Somaliland waxa ay si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficilladan la xiriira faragelin iyo carqaladaynta amniga Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaaliland.
Isla shaley wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u yeeray Qunsulka Guud ee Turkiga ee Hargeysa, kadib markii uu soo shaacbaxay kulan Muqdisho ku dhexmaray Safiirka Turkiga iyo xubno kasoo horjeeda maamulka Somaliland.
Ma jiro ilaa haatan wax war ah oo kasoo baxay dowladda Turkiga oo ku aadan eedeynta loo jeediyey xilli dhowr jeer oo horay maamulka ridada ee Somaliland ay eedeeymo nuucaan oo kale u jeediyeen dowladda Turkiga.