Maamulka Ridada Somaliland oo ka Qaybqaadanaya Barakicinta Muslimiinta Reer Qaza.

Aug 19, 2025

Maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in wadahadal uu la leeyahay Yahuudda, kaas oo looga tashanayo sidii muslimiinta reer Qaza loogu soo barakicin lahaa gobollada waqooyi ee Soomaaliya, sida ay xaqiijisay warbaahitna Breitbart News oo ah warbaahin laga leeyahay Maraykanka, xafiisyana ku leh magaalooyin ay ka mid yihiin London iyo Talaabiib.

Telefishanka Yahaduudda ee Channel 12 ayaa todobaadkii hore shaaca ka qaaday in Sahaayuuniyadu ay wadahadal ku saabsan barakicinta falastiiniyiinta kula jirto Shan dal oo kala ah Indooniisiya, Somaliland, Uganda, Koonfurta Suudaan iyo Liibiya.

Ilo diblomaasiyadeed oo u warramay warfidiyeenka isla markaana ay soo xigatay warbaahinta Breitbart News ayaa sheegay in maamulka riddada Somaliland uu diyaar u yahay fikraddan, una arko waddo suurtagal ah oo uu ku heli karo aqoonsi caalamiya.

Warbixintan ayaa lagu xusay in maamulka Yahuudda iyo Mareykankuba ay dardar-geliyeen dadaallo lagu fududeynayo barakicinta reer Qaza, sida uu jimicihii lasoo dhaafay uu baahiyey wargeyska Wall Street Journal oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer dalka Maraykanka.

Dhankiisa R/wasaaraha Yahuudda Binjamin Netanyahu ayaa telefishanka i24News u xaqiijiyey in uu jiro xiriir ay la leeyihiin dhowr dal oo ay kala xaajoonayaan sidii ay u qaabili lahaayeen muslimiinta reer Falastiin ee la doonayo in laga soo barakiciyo marinka Qaza.