Kadib dagaallo xoogan oo maanta ka dhacay duleedka dagmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaatka murtadiinta, ayaa waxaa khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyada Laftagareen, iyadoona guldarada kasoo gaartay uu qirtay maamulka ridada Koonfur Galbeed.
Murtad Mustaf Garabey. oo ah afhayeenka wasaarada amniga maamulka Laftagareen oo warbaahinta la hadlay ayaa qirtay in sargaal iyo maleeshiyaat looga laayay dagaalladii ka dhacay duleedka dagmadaasi.
Wuxuu murtadkaan sheegay in murtad Kaarabiil oo ahaa abaanduulihii maleeshiyaatka loogu yeero Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Buurhakaba ay mujaahidiinta dileen isaga iyo tiro kale oo maleeshiyaat ah.
Allaah fadligii ciidamada mujaahidiinta ayaa maanta ka hortgay maleeshiyaat murtadiin ah oo kasoo baxay dagmada Buurhakaba, waxaana duleedka magaallada ka dhacay dagaal xoogan oo socday in mudo ah.
Ilaa todobo askari oo murtadiin ah ayaa lagu dilay, halka lagu dhaawacay lix kale, iyada oo dhanka kale mujaahidiinta ay cadowga kasoo qaniimaysteen gaari nuuca ciidanka ah iyo hub kale.