Wasiirka Warfaafinta maamulka ridada ee Puntland murtad Ceydiid Dirir ayaa ka hadlay shirkii ay soo qaban qaabisay kooxda ridada Soomaaliya kaasoo looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo siyaasada ayaa eedeymo xooggan u jeediyey kooxda ridada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inuu shirkaasi kusoo idlaaday fashil, islamarkaana dadka ka qeyb galay aysan ahayd kuwa dadka matala.
Murtadkaan ayaa weerarka afka ah ku qaaday Xasan Gurguurte oo uu sheegay inuu boobay xooligii shacabka Soomaaliyeed islamarkaana hoggaaminta ridada uu isaga isku soo koobay, una diyaarsaneenna inuu xal ka gaaro khilaafka ka dhexjira ridada.
Kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya kooxda ridada ee uu hoggaamiyo Xasan Gurguurte iyo mucaaradka kasoo horjeeda ayaa gaalada caalamka waxay Gurguurte ku amreen inuu qabto shirka ay kasoo qeybgalayaan mucaaradka oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubaland.
Balse Xasan Gurguurte ayaa qabtay shir uu sheegay inay tahay Gogol looga hadlayo arrimaha la isku hayo, iyadoona shirkaasi lagu arkayey iyagoo ka qeybgalaya siyaasiyiinta taageersan Gurguurte.