Maamulka ashahaadda ladirirka ah ee isku magacaabay Jubbalanad ayaa billaabay olole xooggan oo uu isaga difaacayo weerarka ugasoo socda dhanka xukuumadda Xamza Cabdi Barre.
Dagaal ooge Axmed Madoobe ayaa xildhibaanno iyo saraakiil ciidan udiray inta badan degmooyinka gobolka Gedo si uu uga hortago abaabulka ay kooxda ridadu ku doonayso in ay ugala wareegto maamulka degmooyinka gobolkaasi.
Xildhibaanno dhowr ah iyo saraakiil ayaa gaaray degmooyinka Beledxaawe,Dooloow iyo Luuq waxayna halkaas ka wadaan abaabullo ay uga hortagayaan qorshayaasha Xasan Gurguurte iyo Xamza Cabdi Barre ee ah in Gedo laga jaro maamulka isku magacaabay Jubbaland.
Guddoomiyaha degmada Dooloow ugu magacaabay maamulka Axmed Madoobe ayaa warbaahinta usheegay in ay dareemayaan dhiillo colaadeed oo uga imaanaysa dhanka Muqdisho isagoo ka digay in ciidamo diyaarado lagu keenay lagasoo dejiyo degmadaasi.
Dhinaca kale xildhibaanno katirsan kooxda Ridada oo lagasoo xulay dhanka maamulka Jubbaland ayaa wado abaabullo ay ugasoo horjeedaan dagaalka ay kooxda ridada ku iclaamisay Axmed Madoobe.
Xildhibaan Xasan Ferembi oo goob fagaare ah ka hadlay ayaa eedayn kulul ujeediyay Xamza Cabdi Barre oo uu ku sifeeyay doqon shaqaale u ah Xasan Gurguurte isagoo ku hanjabay in ay bayaan kasoo saari doonaan R/wasaaraha kooxda Riddada.
khilaafka udhaxeeya labadan maamul ee shisheeyaha dabadhilifyada u ah ayaa gaaray meeshii ugu dambeysay tan iyo markii ay kooxda ridada amarka ku bixisay in Axmed Madoobe lasoo xiray kadibna uu dhacay dagaalkii lagu kala baxay ee Raas Kaambooni.