Loolanka Xaga Internet-ka oo sii Xoogeysanaya iyo Iran oo Weerarkii ugu Xooganaa Abid la Kulantey.

Apr 28, 2025

Sida ay baahisay majalada The National, dowladda Iran ayaa saacadihii lasoo dhaafay la kulantay weerarkii ugu weynaa ee dhinaca internetka iyadoo hawada laga saaray guud ahaan isgaarsiintii wadanka nuucyadeeda kala duwan, sida uu xaqiijiyey madaxa isgaarsiinta Iran Behzad Akbari.

Weerarkan ayaa sidoo kale beegsaday kaabayaal kale oo muhiim u ah xukuumada Tehran, waxaana kamid ah bankiyada iyo ilaha kale ee ay dhaqaalaha kaga soo xaroodaan dowladdan, ilaa hadana joornaalada gobolka ma aysan xaqiijin cida sida rasmiga ah kaga dambeyso talaabadan.

“waxaa midkan loo aqoonsaday weerarkii xaga Internetka ee ugu baahsanaa ee lagu soo qaado kaabayaasheena dhaqaale, waxaana qaadnay talaabooyin ka hortag ah” ayuu markale yiri wasiirka isgaarsiinta ugu magacaabay dowladda Iran.

Sanadihii lasoo dhaafayey ayey majalada The National sheegeysaa in xukuumadan ay si aad ah ula daalaa dheceyso weerarada xaga Internet-ka ah ee lagu hack-gareynayo xarumeheeda muhiimka ah, waxayna badanaa xukuumada Tehran midaan u tiirisaa maamulka gumeystaha yuhuuda.

FAAFREEB PRO