Loolanka gacansi ee uu bilaabay Trump ayaa fiday gaarayna dalal hor leh iyo Shiinaha oo Canada ku dhuftay darbo dhaqaale oo xoogan.
Sida uu baahiyey joonaalka Newyork Times, dagaalka ganacsiga adduunka oo ku bilowday imaatinka Aqalka Cad ee Trump ayaa hadda u muuqda inuu gaaray dalalka kale, waxaana lasoo warinayaa in Shiinaha iyo Canada ay ka dhax askuntay xiisad hor leh oo ku saabsan badeecadaha laga dhoofiyo Canada.
Xukuumada Beijing ayaa canshuur boqolkiiba boqol ah kusoo rogtay Labo nooc oo saliida ah oo ay kasoo dhoofsanjirtay Canada iyo wax-soosaarka beeraha Canada oo ay ku jirto digirta,
halka 25% uu ku kordhiyay Shiinaha canshuurta dabeecadaha kale ee Canada uga yimaada.
Gunaanudkii waxaa lagu waramayaa in Shiinaha uu canshuurtan uga jawaabayo midii ay Canada saartay gawaarida korontada ku shaqeysa ee Shiinaha uu soo saaro iyo 25% oo ay Canada ku kordhisay canshuurta aluminium-ka iyo alaabada birta ah ee Shiinahu farsameeyo.
FAAFREEB PRO