Waxaa faahfaahino hordhaca ah laga helayaa khasaaraha cadawga kasoo gaaray howlgalkii Inghimaasiga ahaa ee galabnimadii shaley ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen xabsiga Godka Jilicow oo ka mid ah meelaha lagu dhibaateeyo dadka Muslimiinta ah.
Ka dib 10 saacadood oo halyeeyada Islaamku ka dhex dagaalamayeen xafiisyada cadawga ayuu howlgalku xaley saq dhexe kusoo dhamaaday si guul ah, isagoo sababay khasaare xooggan oo isugu jira naf iyo maal intaba, waxaa la xaqiijiyay dhimashada cadawga oo gaaraysa 41 murtad, kuwaasi oo u badan askarta sirdoonka ridada ee NISA, dhaawacana waa 19 kale.
Sidoo kale waxaa burbur soo gaaray qaar ka mid ah gaadiidka cadawga, waxayna tiradoodu gaarayaan 9 gaadiid oo kuwa ciidamada iyo kuwa saraakiisha ay wateen ah, iyo burburka xaruntii la weeraray, xafiisyadii iyo qalabkii ay ku shaqaynayeen.
Howlgalkan waxaa sidoo kale Allaah fadligii lagu sii daayay maxaabiis aad u badan, kuwaas oo iskugu jira Mujaahidiin iyo dad shacab ah oo ay cadawgu halkaas ku haysteen, Xarakada Al-Shabaab ayaana weerarkan ugu magac dartay “U gargaarida dadka dulman”
Weerarkii Godka Jilicow ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay madaxda ridadu ku hadaaqayeen sugida amniga caasimada, kana fogeeyeen weerarada Mujaahidiinta, balse weerarkan dharaarta cad lagu galay Godka Jilicow ayaa diraya fariin ah in halyeeyada Islaamku ay Allaah fadligii gaari karayaan yoolalkooda, si kastoo cadawgu isugu soo oodo dhagaxaan iyo darbiyo adag.
FAAFREEB PRO