Liibiya oo Laga Casi Qabo Iney Lugaha Lasii Gasho Colaad hor leh.

Dec 19, 2024

“Liibiya waxa laga yaabaa inay noqoto masrax colaadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo NATO” waa ciwaanka warbixin uu daabacay Inside Over.

Ugu horeyntii warbxintu waxay tibaaxeysaa in Liibiya oo markii horaba la daala dheceysay colaado fara badan ay hada sii gali doonto mid ka daran kuwii hore, maadaama Ruushka uu maalmihii lasoo dhaafay kudaha Liibiya ka dhistay buundo la filayo iney loolan hor leh ka dhax abuuri doonto Moscow iyo NATO.

Ruushka ayaa bilaabay in gudaha Liibiya uu maalmahan xooga saaro maadaama uu kasoo qalab qaadanayo saldhiga Xumeymiim ee Suuriya, waxa uuna hada gudaha Liibiya ka wadaa dhismooyin hor leh oo ay ugu horeyso buundadan la sheegay in askarta NATO ay loolan kula gali karaan Ruushka.

Hardanka reer yurub iyo Ruushka ayaa laga cabsi qabaa in dhulka uu lasii galo mustqbalka Liibiya, maadaama Moscow dameceeda ugu weyn uu yahay sidii iskugu sii balaarin lahayd woqoyga iyo galbeedka Afrika, dhanka kalana ay u xakameyn lahayd qulqulka maraakiibta reer galbeedka ee maraya badda Mediterranean-ka.

FAAFREEB PRO