Labo Sano Kadib Dagaalka Qaza Siduu Xuduudaha uga Talaabay una Gaaray Wadamo Badan? [WARBXIN]

Oct 8, 2025

Waa xaalad quluubteena ay jecleyd iney idiin soo tabiso iyadoo ka duwan midan, walow wax waliba saanqaadkooda  Rabi uu leeyahay qadartana aanan laga talaabin, melena uu inoo yaalo balan qaadkii Alle ee ahaa in ciribta dambe ay lahaanayaan kuwa mutaqiinta ah.

Qaza, waxay wali wajaheysaa hardan 2 jirsaday oo uu dhexeeya muslimiin lagu gardarooday oo dhulkooda loogu yimid iyo yuhuud barakicin iyo baabi’in mooyee aan qorshe kala damabcsaneyn, waxaasa 24-kii bilood ee lasoo dhaafay taariikhdu ay diiwaangalisay sabar iyo sugnaan saldhigtay quluubta shacabka muslimka ah ee reer Filistiin iyo wiilashooda muqaawameynayey mudadaas.

Marka laga soo tago gantaalaha iyo gumaca rasaasta ee ay la noolyihiin reer Qaza iyo dhiig baxa jaanibka kale ku socda askarta yuhuuda oo xisaabtan adag kala kulmaya kooxaha wax iska caabinta, waxaa xuduudaha taraatay dagaalka isagoo talaabay dalal badan, dhulka loo bixiyey bariga dhexe ayaana Labadii sano ee lasoo dhaafay martigaliyey loolano asalkooda kasoo askumay xiisada Qaza.

Waxaa dhacay isbadalo siyaasadeed iyo kuwa juqraafi, waxaa jirida loo siibay nidaam dhisnaa wax ka badan nus qarni, waxaa awood ahaan la dhantaalay ururo dhisnaa muddo fog, maamulka yuhuuda oo ay garbinayaan dowladdo Mareykanka uu ugu horeeyo ayaana lugaha la galay xiisado badan oo xal loo waawey qaarkood.

Albaabo dagaal ayaa ka furmay wadamada Iran, Yemen iyo Lebanon, halka Suuriya ay martigalisay isbadal siyaasadeed oo xoogan iyadoo daciifitaan sababay dib u gurasho ay la kulmeen wakiiladii Iran ee wadankan.

Hadaba warbixintan waxay dib u eegaysaa afar marxaladood oo 3 dagaal yihiin midna isbadal uu yahay oo la diiwaangaliyey 2-dii sano ee lasoo dhaafay, kuwaas oo yimid kadib qarxidii dagaalka Qaza October 2023, khubaraduna ay sheegayaan in wax walba filashadii la qabay ay ka gudbeen oo uu hardanka Filistiin noqday mid ku baahay gobolka, badalayna guud ahaan itijaahii ay wax walba ku socdeen.

Koow:- dagaalkii Xisbuallah iyo Yuhuuda, xaalad wax walba ay ku bilowdeen hanjabaado wareysida la isku mariyo iyo warqado si toos ah la isugu diro balse isku badashay gacan ka hadal iyo in gorada ay is galiyaan Labada dhinac khasaare baaxad lehna uu ka dhasho.

Walow marxalado qaraar oo hore ay jiraan, balse kadib qarxidii dagaalka Qaza ayey soo bilaabatay xaalada qaraar ee hadda u dhexeysa Sahaayinada iyo ururuka isugu yeera Xisbuallah, Natanyaahu ayaa beegsiyo toos ah ku bilaabay ciidanka ururukan hoos taga Iran, ilaa la dilay madaxii Xisbullah Xasan Nasrullah iyo xubnihii ugu muhiimsanaa.

Iran oo caro balaaran ka qaaday waxa ay falkineyso xukuumada uu hogaamiyo Binyamin Natanyaahu, ayaa go’aamisay iney horay ugu sii socoto marxaladan la islana gaaro salka hoose, iyadoo xoojisay garab istaaga ururukan oo markaas ahaa kan ugu awooda badan ee hoos taga Iran, waxaana markan Lubaan kusii xoogeystay beegsiyada Xisbullah madaxdeeda iyo askarteeda kale, ilaa ugu dambeyn maanta uu ururkaas noqday mid awood ahaan la dhantaalay hadana lagu muransanyahay qaabkii hubka looga dhigi lahaa inta hartay, walow taasi ay Tehran kasoo horjeedo.

Warbixin ay Reuters soo saartay 26 Noofembar 2024 ayaa lagu sheegay in dagaalkii yuhuuda iyo Hezbollah uu sababay dhimasho in ka badan 3,700 qof iyo dhaawacyo tira ka gudubtay 15,000 oo ruux, iyadoo burburka hantida lagu qiyaasay $8.5 bilyan, waxaana intaasi dheer khasaaraha soo gaaray dhismayaal fara badan oo ku waxyeeloobay duqeymaha yuhuuda.

Mar xaaladu ay intaasi mareyso, waxaa xoogeystay khilaafka u dhexeeyey Iran iyo Sahaayinada, waxayna markan warbixintu ay qodobka xoga ka dhigeysaa dagaalkii fool ka foolka ahaa ee dhax maray Labada dhinac.

Labo:- dagaal toos ah oo ka dhax qarxay Yuhuuda iyo Iran, kadib wixii Xisbullah iyo Yuhuuda ku dhaxmaray gudaha wadanka Lubnaan, waxa uu hardanka markan usoo jeestay meel filasho aanan loogu jirin waqti dhaw, June 2025 ayaana la diiwaangaliyey weerar xoogan oo ay sahaayinadu ku qaadeen dalka Iran iyadoo la dilay saraakiil iyo seynisyahano muhiimad ugu fadhiyey xukuumada Tehran, wadayna ka shaqeynta barnaamijka Nukliyeerka Iran, waxaana la bartilmaameedsay ilaa Sadax xarumood oo Nukliyeerka Iran lagu farsameynayey.

Tehran dhankeeda waxay qaaday weeraro xoogan oo ay ku beegsatay goobo muhiim ah sida xarunta cilmi barista Wizman oo gabi ahaanteed burburtay, sahaayinada ay ku waaween Tobaneeyo cilmi baaris iyo qalab kale oo muhiim ah, iyadoona banaanka ay soo bexeen xogo sheegayey in xaruntaas waayitaankeeda ay yuhuuda ku noqotay lama filaan iyo darbo aysan mardhaw kasoo kaban Karin.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Amnesty International bishii Luulyo ee sanadkan 2025, ugu yaraan 1,100 qof ayaa lagu dilay gudaha Iran, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, halka yuhuuda ay sheegeen in dhankooda laga dilay 28 qof iyo dhaawacyo gaaraya 3,200 oo kale.

Sida ay shaacisay wakaalada wararka Reuters khasaarihii dhaqaale ee ka dhashay dagaalkii Iran iyo Yuhuuda ee socda 12-ka maalmood ayaa gaaraya inta u dhexeysa $11.5 ilaa $17.8 bilyan oo dollar, Iran ayeyna warbixinadu sheegayaan iney noqotay mida khasaaraha ugu xoogan la kulantay.

Sadax: Loolanka Xuuthiyiinta Yeman iyo Yuhuuda, kadib qarxidii dagaalka Qaza waxay kooxaha Xuuthiyiinta Yeman qaadeen olole dagaaleed baaxad leh oo lagu curyaaminayo maraakiibta sahaayinada iyo kuwa ay leeyihiin dowladaha taageera kayaankan, ilaa ugu dambeyn hardanku uu gaaray in dhulka lasoo dhigo diyaarado badan gantaalana lagu beegsado cumgiga caasimada Talaabiib iyo deegaanada kale ee yuhuuda.

Waxaa ciriiri galay badeecadahii isaga kala gudbi jiray biyaha badda cas, waxayna bayaanaad dardaar warino iyo is daad raacin isugu jira ay kasoo baxayeen dowladdo ay ku jireen tuhuno ah iney iyaguna la kulmi karaan talaabooyinkaan oo kale.

Bishii May ee sanadkaan 2025 waxay Xuuthiyiinta soo rogeen xayiraad dhanka hawada ah iyadoo dhulka lasoo dhigay diyaarado badan oo ku fadhiyey malaayiin dollar, waxaa jaanibka kale xusid mudan in yuhuuda ay gantaalo ku garaaceen gudaha dalka Yeman, caasimada Sancaa ayaa la kulntay dhacdooyin aysan diiwaangalin mardhaw habeeno badan ayeyna kaamirooyinku soo qabteen holaca dhismayaasha ka baxaya oo iftiin u noqday wadooyinnka waaweyn.

Sida uu sheegay World Bank, haddii xaaladda Badda Cas sii xumaato sidana ay usii taagnaato mudooyinka soo socda, waxaa si aad ah u hoos mari doona ganacsiga dekedaha gobolka waliba in ka badan 6%, iyadoona saameyn dhaqaale oo ka balaaran midii la diiwaangaliyey 2-dii sano ee lasoo dhaafay la arki doono.

Afar- Isbadal xoogan oo dhacay Suuriya kadib qaxidii dagaalka Qaza, iyadoo tiirarka loo siibay nidaamkii reer Asad ee madaxa uga taagnaa shacabka wadankaas mudada ka badan nus qarniga, marka lasoo tago dardartii ay ku socotay awooda ciidanka kooxaha muacaaradka ee ugu dambeyn Suuriya la wareegay iyo sida marxalada ay isugu badashay maalmo kooban, waxay falanqeeyaashu sheegayaan in Iran xulafadeedii ay ku lahayd Suuriya isla markaana gacan saarka xoogan la lahaa Bashaar Al-Asad ay daciifeen kadib bilaabashadii dagaalka Qaza iyo xoogeysiga weeraradii ay la kulmayeen xisbullah.

Sidaa darteed ayey Tehran u bilowday yareenta ku xirnaashihii Dimishiq maadaama ay ku furmeen albaabo hor leh oo dagaal, marka isku xir loo sameynayo isbadalka ka dhacay Suuriya iyo qaxida dagaalka Qaza ayeyna falanqeeyaashu sheegayaan in halkan farta lagu fiiqo.

Kadib markii ay sii xoogeysatay xiisada Qaza nidaamkii Suuriyana la riday ayey Iran wakiiladeedii Suuriya awoodi waayeen iney lasii shaqeeyaan nidaamka cusub ee yimid waxaana halkaas ka dhacay isbadal xoogan oo ku yimid marinadii ay Tehran u adeegsan jirtay dhoofinta waxyaabo badan oo wakiiladeedda kala firirsan ay gaarsiin jirtay, sida lagu sheegayo falanqeyn uu sameeyey mac-hadka Washington Institute.

Gunaanudkii 2 sano kadib colaada Qaza, waxay warbixintan muujineysaa sida dagaalku uu uga talaabay xuduudaha uguna fiday dhul fara badan, una qalqal galiyey dowladdo dhan, isagoo sameeyey isbadal aanan la arag sanado dhaw, sadaalintii ay sanadahan wadeen siyaasiyiinta safka hore kaga jira saaxada siyaasada kadibna, waxaa hada su’aalaha taagan kamid ah 9 mid lagu daray, kuwaas oo kala ah:- maxaa xiga marxaladan? Ma Qaza oo sidan kusii jirta? Mise nabad dhacda? Ma muqaawamada oo lagu qasbo hub dhigis? Mise iney go’aankooda diidmada ah ku taagnaadaan? Muxuu noqon doonaa masiirka marinada muhiimka ah ee badda cas hadii marxaladan ay sii taagnaato? Iran ma sii wadi doontaa siyaasaddeeda wakiillada mise waxay wajahaysaa dagaal kale oo toos ah oo ay la gasho yuhuuda? Natanyaahu ma isku dayi doonaa in markale uu xaqiijiyo yoolkii uu dagaalka ka lahaa ee rumoobi waayey 2-dii sano ee lasoo dhaafay? Haduusa isku dayo muxuu markan wajihi karaa? Muuxsa markan noqon doonaa doorka ay cayaari karaan quwadaha Shiinaha iyo Ruushka.

FAAFREEB PRO