Ugu yaraan laba qof oo dhalinyaro ah ayaa lagu soo warramayaa in xalay fiidkii lagu dilay bartamaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland. Dilkan ayay wararku sheegayaan in uu geystay nin ku hubaysan bastoolad, kaas oo goobtaasi ka baxsaday markii uu dilkaasi fuliyey, iyadoo ilaa hadda dhacdadan aanu ka hadal maamulka riddada Somaliland.
Labada qof ee la toogtay ayaa ka mid ahaa dad rakaab ah oo saarnaa mid ka mida basaska u kala goosha xaafadaha magaalada, kaas oo xilligaasi ku sugnaa boosteejo u dhow suuqa Waaheen ee bartamaha magaalada. Waxaana dad goob-joogayaal ah oo la hadlay warbaahintu ay sheegeen in ninka hubaysani uu labada wiil ku beegsaday gudaha baska, kadibna uu rasaas oodda kaga qaaday.
Gabar ka mid ahayd dadkii ka ag dhawaa goobtan lagu rasaaseeyey dhalinyaradaasi ayaa ka warbixisay sidii ay wax u dhaceen.
Mid ka mida dhalinyaradaasi isla goobta ayay naftu kaga baxday, halka midka kalena isagoo qaba dhaawac garaab ah loola cararay cisbitaalka weyn, halkaas oo markii dambe isna uu ku geeriyooday. Maamulka riddada Somaliland ayaa ka gaabsaday ka hadalka dhacdadan, kadib markii warbaahinta maxalligu isku dayday in arrintan ay wax ka waydiiyaan.
Dilkan foosha xun ee lagula kacay dhalinyartan shicibka ah ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay 2 qof oo rayid ah oo booliska maamulkaasi uu bishan gudaheeda ku dilay tuulada Agabbar oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa.