Rag hubaysan ayaa habeennimadii xalay, laba qof oo shacab ah ku dilay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Falkan oo dhacay xilli fiid ah, ayay wararku sheegayaan in mid ka mida labada nin ee la dilay uu waardiye ka ahaa hoteel ku yaalla faras-magaalaha.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in dableydii falkaasi geysatay ay baxsadeen, iyadoo haybtooda ilaa haatan aan la aqoonsan.
Bilihii u dambeeyey waxaa si is daba joog ah uga dhacaayay deggaannadaasi, gaar ahaan magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso dilal ka dhan ah dadka rayidka ah oo ay geysanayeen maleeshiyaadka maamulka daba-dhilifka ah ee Puntland.