Kuuriyada Woqooyi oo Durbadiiba Tobaneeyo Ciidan ku Weysay Gudaha Ukrain.

Dec 19, 2024

Jariirada Al-Sharqul Awsat ayaa daabacday maqaal ay ku sheegeyso in askarta Kuuriyada Woqooyi ee dhawaan la geeyey furimaha dagaalka Ukrain uu u bilowday halaag iyo iney si xowli ah u lee’anayaan furimaha la isku hor fadhiyo.

Wargeyska oo soo xiganaya masuul ka tirsan baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ilaa 100 askari oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi ay dhinteen waliba muddo kooban gudeheeda, halka ilaa 1000 kalana ay la jiifaan dhaawacyo kala duwan.

Askartaan ayaa dhamaantood ku wax yeeloobay furimaha dagaalka ee gobolka Kursk, waxaana loo aaneynayaa in askarta Pyongyang aysan heysan wax khibrad ah oo ku aadan dagaalka dhuleed ee furan, iyo ineysan haba yaaraatee wax aqoon ah u leheyn dhulka.

Dhawaqan jabka ah ee durbadiiba kasoo yeeray dhanka ciidamada Kuuriyada Woqooyi ee dhawaan tagay halkaas si ay u garab istaagaan Ruushka ayaa ah mid farxad galinaya reer galbeedka, oo mudooyinkaanba si aad ah u doon doonayey fursad uu ciidamo ashaamud ah ku geeyo gudaha Ukrain si ay uga bar bar dagaalamaan askarta xukuumada Kyev.

FAAFREEB PRO