In ka badan 3,000 oo qoys ayaa ku barakacay dagaallo culus oo dhawaan ka dhacay gobolka Galbeedka Kordofan, sida ay sheegtay hay’adda waxa loogu yeero Socdaalka Adduunka ee IOM.
Hay’addu waxay shaacisay in 3,200 oo qoys ay maalintii Jimcaha ka qaxeen tuulada Qantour oo hoostagta degmada Babanusa ee Galbeedka Kordofan, kadib markii uu dagaal xooggan dhexmaray ciidamada militariga Suudaan iyo maleeshiyaadka RSF.
Qoysaskaasi waxay u barakaceen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Al-Cidiya, halkaas oo ay hadda si ku meelgaar ah ugu sugan yihiin, xaaladduna wali waa mid aad u kacsan iyadoo colaadu ay kusii fidayso gobollo badan.
Dagaalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay rabshado sii fidaya ka taagan yihiin guud ahaan Waqooyiga, Galbeedka, iyo Koonfurta Kordofan, kuwaas oo u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo maleeshiyaadka RSF.
Tan iyo markii uu dagaalka dalkaasi ka qarxay bisha April 2023, waxaa ku dhintay in ka badan 20,000 oo qof, halka ay ku barakaceen ku dhowaad 15 milyan, sida lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay iyo maamulka gudaha Suudaan.
Xaaladda Suudaan ayaa u muuqata mid kasii daraysa, iyadoo dagaalku u gudbay meelo badan oo dalka ah, islamarkaana uu sababay xaalad bini’aadanimo oo aad u daran.
FAAFREEB PRO