Kulan la Filayo Iney Yeeshaan Putin iyo Trump.

Dec 22, 2024

Kulan la filayo iney yeeshaan madaxda wadamada Ruushka iyo Mareykanka, xilli caleema saarka Donald Trump ay ka harsantahay muddo kooban.

Sida uu daabacay wargeyska Washington Post Labadan hogaamiyey ayaa kulankoodan lagu wadaa iney uga wada hadlaan soo gaba gabeynta dagaalka mudada ka dhax holcaya xukuumada Kyev iyo Moscow, taas oo uu Trump doonayo inuu ku helo sumcad hor leh maadaama tan iyo intuu uu dibad jooga ka ahaa xafiiska aqalka cad uu kusoo cel celinayey in muddo 24 saac ah uu kusoo afmeeri doona xiisadaasi hadii mar uu soo laabto.

Warbixinta ayaa ku warameysa in Putin uu heshiiskan ku xeri doono shuruudo badan oo ay kamid yihiin in Ukrain aanan marnaba lagu biirin NATO, hadii taas ay dhacdana ay dhinacyadu sii kala fogaan doonaan dagaalkuna uu halkiisa kasii socon doono.

Si kastaba na honqotee waxa hada indha lagu wada hayo waa sida uu Donald Trump doonayo inuu u maareeyo xiisada Bariga dhexe iyo Ukrain kadib imaatinkiisa xafiiska aqalka cad, ma fashil mise guul siyaasadeed oo uu masraxyada uga faani doono.

FAAFREEB PRO