Kulan ay Yeelan Doonaan Abey iyo Gurguurte, Maxaa Natiijo ah oo la Filan Karaa?

Dec 10, 2024

Waxaa wali sidiisii u taagan oo muddo sanad ah afka ka xiri raba khilaafka ka dhax oloolsan kooxda ridada Soomaaliya iyo dowladda xabashida Itoobiya kaas oo salka ku haya damicii Itoobiya ee biyaha Soomaaliya iyo heshiiskii uu Abey la galay murtad Muuse Biixi Cabdi oo ka dagay xilka madaxtinimo ee maamulka ashaahada la diriirka ah ee isku magacaabay Soomaaliland.

Waxaa dhanka kale wali sii socda faragalinta militari ee ay dowladda Xabashida Itoobiya ka dhax wado maamul goboleedyada ridada Soomaaliya iyo ciidanka Xasan Sheekh, iyadoo kumanaan katirsan ciidamadeeda ay hadda dab kusii shidayaan xiisada ud hexeysa villa Soomaaliya iyo Jubballand.

Marka laga soot tago arimahan waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu waramayaa in Dowladda Turkiga ayaa markale billaawday dadaallada ay ku dooneyso iney ku kulansiiso Abiy Axmed iyo murtad Xasan Gurguurte.

Madaxweynaha kooxda ridada Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay kullan fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

War lagu soo daabacay boga rasmiga ah ee Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Rejeb Dayib Erdugaan”.

Waxaa qoraalka Villa Soomaaliya sidoo kale lagu cadeeyey in Ankara ay wali wado dadaalo ay sheegtay iney ku dhax dhaxaadineyso Itoobiya iyo Soomaaliya, safaka Xasan Sheekh ee Turkiga uu daaranyahay arimahaasi.

Dhanka kale illo ku dhow Madaxtooyada ridada ayaa mid kamid ah warbaahinada Mareykanka ayaa sheegay in Itoobiya ay codsatay kulanka, murtad Xasan Sheekh Maxamuud-na uu aqabalay.

Kullankan oo lagu wado inuu dhoco maalinta baritoole ee Arbacada ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada mas’uul yeeshaan tan iyo markii uu soo kala dhex galay muranka ku aadan heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay Itoobiya 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan la saxiixatay maamulka Somaliland.

Kooxda ridada oo isku muujineysa mid difaaceysa hantida ummada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in waxa ay Itoobiya ku kacday uu yahay xadgudub badeed, balse waxaa mar dambe la ogaaday in murtad Xasan Sheekh uusan difaac dal uusan ka ahayn waxa uu wado ee uu kaliya doonayey in isaga lasoo baro halkii la aadi lahaa murtad Muuse Biixi Cabdi.

Wixii markaa ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada dhinac u dhexeeya

Billihii August iyo Septemper ayaa wadahadallo laba wareeg ahaa oo uu Turkigu garwadeen ka ahaa ay guuldareysteen, wixii markaas ka dambeeyana dhaleyceemo iyo hanjabaado ayey dhinacyadu hawada isku marinayeen.

Isla bishii September ee sanadkan madaxweynaha ridada Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa isku gacan seeray kulan ay yeelan lahaayeen xilli ay ka qeyb galayeen shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacayay magaalada Beijing ee caasimada dalka Shiinaha waana sida markaas laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

Xasan Sheekh ayaa kullankaas shardi uga dhigay in Itoobiya marka hore ay ka noqoto Is-afgaradkii ay la saxiixatay Somaliland 1-dii bishii Janaayo, kadibna ay iyga soo maraan si ay badda ugu saxiixaan, Abey ayaasa midaas diiday.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa isku dayay inay dhex-dhexaadiyaan kulanka balse iyaguna kuma guuleysan.

Waxaa ka horeeyay dadaal ay dooneysay dowladda Kenya inay labada Labada nin isugu keento, kuwaas oo iyagana fashil kusoo idlaaday, waxayna midaas muujineysaa khilaafka xoogan ee uu Allah dhax dhigay cadwga horarka shareecada Raxmaanka iyo dhulkan Soomaaliyeed.

Hadana waa hubanti la’aan natiijada kasoo bixi doonta kulanka la qorsheynayo iney wada yeeshaan Abey Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Itoobiya dhanka kale xitaa dhowr jeer ku cel celisay ineysan qorsheeneyn iney ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya ay la baxdo waqti xaadirkan, taas badalkeedana ay qaab qasab ah uga mid noqon doonaan howgalka cuusb ee la qorsheynayo in dalkan looga dhawaaqo sanadka 2025.

FAAFREEB PRO