Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay roobab daadad wata oo ku dhuftay mid kamida gobollada dalka Mareykanka iyadoona lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Wararka ka imaanaya gobolka Taksis ayaa sheegaya in ugu yaraan 70 qof American ah ay dhinteen halka tobanaan kale lala’yahay sababa laxiriira biyo ku fatahay inta badan magaalooyinka degmada Keer.
Donald Trump oo ah madaxweynaha dowladda saliibiyadda Mareykanka ayaa wareegto uu soo saaray xaalad degdeg ah ku geliyay gobolka Taksis wuxuuna u aqoonsaday gobol ay musiibo daran ku dhufatay.
Saraakiisha gurmadka degdegga ah waxay sheegeen in gelinkii hore ee maalintii Sabtiga ay dhimashadu gaartay 67 ruux balse goor dambe ayaa lahelay meydadka 3 ruux oo muddo saacada ah laweysanaa.
Muuqaallo lagu duubay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa muujinayay burbur xooggan oo ka dhashay duufaanta iyo biyaha oo ka sare maray guryo dhowr dabaq ka koobnaa.
Wasiiradda amniga gudaha Mareykanka ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in khatar hor leh ay ka jirto gobolka Noorath Korolayna oo ay webiyada qaar fatahaad sameeyeen.
Gaal Trump ayaa mar uu warbaahinta lahadlayay wuxuu waxa ka socda gobolka Taksis ku tilmaamay Musiibo weyn oo halis gelinaysa malaayiin qof American ah.
Khataraha ugu daran waxaa wajahaya qoysaska ay go’doomiyeen biyaha webiyada buux dhaafay waxaana adag in lasoo badbaadiyo.
Sanad walba kumanaan kun qof American ah ayaa udhintay musiibooyin ka dhasha duufaanno,fatahaado iyo toogashooyin ay isku geystaan gaangiistarrada saliibiyiinta ah.
FAAFEEB PRO