Wararka ka imaaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.
Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa lasoo wariyay in ay dileen ruuxaan oo ah ganacsade kaas oo ku noolaa magaalada Cape Town.
Kadib markii ay ku dhufteen dhowr rasaas ah ayeey waxay dhac ugaysteen dukukaankii uu lahaa ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabo Maxamad Calasow.
Ciidanka Booliska Koonfur Afrika ayaa saacado kadib tagay goobta uu ka dhacay falkaan iyaga oo sheegay in ay wadaan baaritaano, balse majiro ilaa iyo hada shaqsiyaad loosoo xiray dilka muwaadinkaan Soomaaliyeed.
Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka ugu badan ee lagu dilo dadka Soomaalida ah, waxaana sanad waliba lasoo diinwaagaliyaa tobanaan dhacdooyin dil ah.
Kumanaan kun oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa ku nool dalkaan, kuwaas oo qaarkood uqaxay sagaashameeyadii.
Taqaariir soo baxday ayaa muujinaya in 20-kii sano ee lasoo dhaafay dad kor udhaafaya kun iyo shan bioqol oo ruux oo Soomaali ah siyaabo kala duwan loogu dilay Koonfur Afrika.