Kooxo Burcad ah oo Ruux Soomaali ah ku Diley Dalka Koonfur Afrika.

Aug 16, 2025

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo dil ah oo habeen hore ka dhacday magaalada Cape Town, taasi oo kooxo burcad ah u gaysteen qof ka howlgalayay dalkaasi oo kasoo jeeda Soomaaliya.

Dhacdadu waxay si gaara uga dhacday xaafadda Valley ee ka tirsan degmada Philippi ee hoostagta magaalada Cape Town, kooxo burcad ah oo wadankaasi kasoo jeeda ayaa lasoo wariyay in goob ganacsi oo uu ka shaqeynayay ganacsadaha ku khaarajiyeen, sida ay soo sheegeen dadka Soomaaliyeed ee waddankaasi.

Mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan South Africa ayaa sheegay in qofka la dilay oo la oran jiray Abshir Cali Xuseen ay xabaddo ku dhufteen burcadda, ka hor inta aysan dilin ayuu sheegay inay rassaas ku fureen cameradda qarsoon ee dukaanka ku xirnayd si aan loo tixraacin.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dhacdada kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee dowladda saliibiyadda Koonfur Africa, waxayna halkaas ka sameeyeen baaritaanno aysan wax natiijo ah kasoo bixin.