Kooxo Burcad ah oo Ganacsade Soomaali ah ku Dilay Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Africa.

Sep 2, 2025

Dadka Soomaalida ah ee ganacsiyada kala duwan ku leh dalka Koonfur Africa ayaa wajahaya falal joogto ah oo isugu jira dil iyo dhac, kuwaas oo kaga imaanaya kooxo burcad ah oo aan heebtooda la qoon.

Saacadihii lasoo dhaafay, ganacsade Soomaaliyeed ayaa lagu weeraray goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Cape Town, oo ka mid ah meelaha sida gaarka ah Soomaalida loogu beegsado, iyadoo ruuxa la dilay lagu Magacaabi Jiray Cabdi Fataax Maxamuud.

Booliska Koonfur Africa ayaa gaaray goobta ay dhacdadu ka dhacday, balse kooxihii weerarka fuliyay ayaa durbaba goobta ka baxsaday.

Soomaalida ku dhaqan magaalada ayaa muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan dhacdhooyinkan argagaxa leh, kuwaa oo si joogto ah uga dhaca goobaha ganacsi ee dalka Koonfur Africa.

Illaa iyo hadda, ma jiro wax qorshe cad oo ay dawlada Koonfur Africa ka dejisay dilalka iyo dhacdooyinka lagu bartilmaameedsanayo dadka Soomaaliyeed.

FAAFREEB PRO