Kooxda Ridada Soomaaliya oo Wada Qorsho ay uga Hortagayso Shirweynaha Mucaaradka Ridada.

May 26, 2025

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa tilmaamaya in kooxda ridada ee Xasan Gurguurte ay qorsheyanayso in ay fashiliso shir ay Mucaaradka maalinta Arbacada ku yeellan doonaan magaalada Muqdisho kasoo looga soo horjeedo murtad Xasan Gurguurte.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kooxda ridada ay doonayso in maalinkaasi ay xirto waddooyinka Muqdisho gaar ahaan waddooyinka aada Garoonka Muqdisho halkaasi oo la filayo in Mucaaradka ay shirkaasi ku qabsadaan.

Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayey siyaasiyiinta Mucaaradsan Xasan Gurguurte uga hadli doonaan arrimaha hadda taagan ee ah khilaafka u dhaxeeya kooxda ridada iyo Mucaaradkeeda kaasoo salka ku haya arrimaha doorashooyinka.

Waxaa la filayaa inuu shirkaasi Mucaaradka ku dhistaan madal ay ku mideysan yihiin taasoo sii murjin doonta khilaafka labada dhinac.

Kooxda ridada ayaa walwal xooggan ka qabta shirka Mucaaradka iyadoona u aragta haddii uu qabsoomo inuu xaalada hadda taagan sii adkeyn doonto, waxayna wararka sheegayaan inay qaadatay tallaabo ah inay shirkaasi ka hortagto inuu dhaco.

Xoogga Mucaaradka ridada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay kusoo qulqulayeen Muqdisho, waxayna wadeen kulamo gaar gaar ah oo ka dhan ah dowladda ridada ee Xasan Gurguurte.

Xasan Gurguurte oo hadda muddo xileedkiisa ay uga harsan tahay sanad ayaa wajahaya mucaarado maaliba maalinka ka danbeeya sii xoogaysanaysa, xili uu Gurguurte ay Mucaaradkiisa uga shakisan yihiin inuu doonayo muddo korarsi, taasna oo ay ka biya diidan yihiin Mucaaradka.

FAAFREEB PRO