Kooxda Ridada oo ka Hadashay Markabkii Hubka Siday iyo Hanjabaad loo Jeediyay Deni.

Jul 23, 2025

Mudo lix maalin ah kadib, Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay markabkii waday hubka ee maamulka ridada Puntland uu gacanta ku dhigay maalinkii jimcaha aynu soo dhaafnay.

Kooxda Ridada ayaa sheegtay in markabnkaasi uu usocday magaalada Mogdisho si gaar ahna looga leeyahay xerada Turkisom, iyadoo falkii lagu qafaashay ku tilmaamtay mid burcadnimo ah.

” Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM. Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soaomaalida iyo , Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah h. Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Kooxda Ridaa.

Xukumada Xasan Gurguurte ayaa dalbatay in markabkaasi si deg deg ah loosoo celiyo iyadoo hanjabaad hawada umairsay maamulka Siciid Dani sheegtayna in ay qaadi doonto taallabo ay isaga difaacayso xadgudubka ay sheegtay in uu kaga yimid Pubtland.

” Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac. Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.” ayaa sidookale lagu yiri warkasoo baxay Kooxda Ridada.

FAAFREEB PRO