Wararka ka imaanaya cirifka fog ee gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Ridada ay boqolaal maleeshiyaad ah ku daad guraysay deegaan ay horay gacanta ugu hayeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe.
dhowr diyaaradood ayaa saaka aroortii hore illaa barqanimadii maanta ciidamo ka dejiyay deegaanka Raaskaambooni ee dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaarado ka duulay garoonka Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ciidan lagu qiyaasay 500 oo askari ka dejiyeen garoon macmal ah oo kuyaal deegaanka Raas Kaambooni kaasi oo ay kasoo degi jireen diyaaradaha maandooriyaha khaatka ka keena dalka Kenya.
Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in kooxda ridada ay maleeshiyaad kusoo daabushay Raaskaambooni isagoona goodis adag u diray Xasan Gurguurte madaxa kooxda ridada.
cod.
arrintan ayaa sare usii qaadaysa xiisadaha colaadeed ee ka dhax aloosan kooxahan kawada tirsan murtadiinta dabadhilifyada ah, wararka ayaa intaas ku daraya in R/wasaaraha kooxa ridada uu maleeshiyaad ku sugan duleedka Kismaayo oo daacad u ah isaga amar kusiin doono in ay udhaqaaqaan dhanka Kismaayo waxaana lafilayaa in labada dhinac ay ku dagaallamaan deegaanno katirsan jubbada hoose.
Tallaabadan ay kooxda ridada ciidamada uga dejisay Raaskaambooni ayaa imaanaysa maalmo kadib markii ay ciidanka Itoobiya ee ku sugan Gedo ay diideen in diyaarado ka yimid Muqdisho ay ku degaan garoomada Dooloow iyo Garabahaarey