Kooxda Gurguurte oo Amaro Dul-dhigtay Diyaaradaha Rakaabka ah ee Taga Magaalada Hargeysa.

Nov 2, 2025

Hay’adda duulista ee kooxda ridada ayaa digniin u dirtay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgallo deegaanada maamulka ridada ee Somaliland.

Kooxda ridada ayaa dul-dhigtay amaro diyaardaha rakaabka qaada inaysan soo qaadi karin qof aanan sidan waxay ku sheegeen dal ku galka (E-VISA) ee ay dhawaan sameysay kooxda ridada Soomaaliya.

War kasoo baxay kooxda ridada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah diyaaradaha taga magaalada Hargeysa ay soo qaadan dad aanan wadan Visahaan.

Kooxda ridada ayaa ugu goodisay shirkadaha diyaaradaha inay ka joojin doonaan duulimaadyada ay ku tagaan Hargeysa haddii aysan u hoggaansamin amaradaan.

Arrintaan ayaa waxay kusoo aadaysaa xilli maamulka ridada ee Somaliland isagana uu saacadihii lasoo dhaafay soo saaray amar ku socday shirkada diyaaradaha kaasoo ahaa in hawada deegaanadooda aysan isticmaali karin diyaarad aanan ogolaansho ka heysan maamulka ridada ee Somaliland, taasoo caqabad ku ah kooxda ridada ee Xasan Gurguurte.