Kooxaha muqaawmada oo war culus kasoo saaray hab dhaqanka Mareykanka uu ku taageerayo yuhuuda si loo balaariyo wajiga Koowaad ee heshiiska xabad joojinta.
Sida lagu waramayo warsaxaafadeed ka soo baxay kooxaha wax iska caabinta ayaa looga hadlay habdhaqanka Mareykanka ee uu ku taageerayo ballaarinta wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta, halkii loo gudbi lahaa wajiga labaad ee heshiiska.
“Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Mareykanka inay joojiyaan eexdooda iyo la jaanqaadka qorshayaasha dambiilaha dagaalka ee Netanyahu, kaasoo bartilmaameedsanaya dadkeenna iyo jiritaankooda dhuleed.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxay sidoo kale kooxaha muwaaqamada Filistiin xaqiijiyeen iney dhowr jeer oo hore gudbiyeen iney diyaar u yihiin u gudbida wajiga Labaad ee heshiiska balse sahaayinadu ay yihiin kuwa ka caga jiidaya.
Dhanka kale waxaa lagu waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay sahaayinadu marinka Qaza ka jareen dhamaan kaalmadii la galin jiray ee iskugu jirtay nuuc walba, taasoo cirka sii galin doonta xiisada ka taagan.
FAAFREEB PRO